Golaha Wasiirada oo Hor Yimid Heshiis Lala Soo Galay Imaaraadka Carabta

0

Golaha wasiiradda Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya oo xalay shir deg deg ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay sharciga la dagaalanka Argagixisada iyo Sharciga Socdaalka iyo heshiiska Iskaashi Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Uganda.

Golaha ayaa dib u celiyay heshiiska Iskaashi Amni oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo dhowaan usoo saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur.

Qaar kamid ah Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa dood ka keenay Heshiiskaan, iyagoo soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo, islamarkaana loo baahan yahay in lagu celiyo Wasaaradda Cadaaladda iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud, si ay uga soo tala bixiyaan.

Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur ayaa aad ugu ololeynayay in heshiiskan Goluhu ansixiyaan, balse waxa uu diidmo kala kulmay wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya oo intooda badan ka hor yimid heshiiskaan.

Xukuumadda uu hogaamiyo Raisulwasaare Xamza Cabdi barre, oo jirta bilooyin ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee Golaheeda wasiiradda ay diidaan heshiiyo lala soo galay dowladda kale.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here