Magaaladda Muqdisho waxaa maanta ka dhici doona shir u dhaxeeya wasiiradda iyo Taliyaasha Ciidamadda dalalka deriska, loona yaqaano Dalalka Safka Hore,kuwaasi oo kala ah Soomaaliya, Kenya, jabuuti iyo Ethopia.
Shir horudhac u ahaa shirka maanta ayaa shalay waxaa Muqdisho ku yeeshay wasiiradda iyo Taliyayaasha waxayna ku diyaariyeen qorshaha shirkaas, iyo qodobadda loogu hadli doono.
Shirkan oo lagu gorfeynayo dhameystirka hawlgallada dib u xoreynta degaannada ay weli ku harsan yihiin Al-shabaab, isku dubaridka taageerada muhiimka ee Dalalka Safka Hore iyo iskaashiga dalalkan ee hawlagalada ka socda Soomaaliya, ayaa gogol xaar u ah Shir Madaxda Dalalka Safka Hore ay maanta ku yeelanayaan magaalada Muqdisho oo uu horkacayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirkan ay Dalalka Safka Hore isugu imaanayaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa madaxda ay si hoose iskula eegi doonaan in si wadajir ah looga hortago khatarka Khawaarijta baxsadka ay ku keeni karaan nabadgelyada gobolka, iskaashi buuxda oo ay yeeshaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS iyo Ciidanka aan ATMIS ka tirsaneyn ee Soomaaliya jooga. Iskaashigan ayaa la filayaa in natiijada ka dhalata ay horseedi doonto in si dedeg ah waddanka looga xoreeyo Al-shabaab oo toddobaadyadii ugu dambeeyay loogu adkaaday goobaha dagaalka, dhul balaaranna laga qabsaday.
Shirkan ay maanta Muqdisho ku yeelanayaan madaxda Dalalka Safka Hore ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ay Soomaaliya martigeliso.
Dhanka kale waxaa saakay xiran wadooyinka muhiimka ah ee Magaaladda muqdisho gaar ahaan xeen daabka Madaxtooyadda, Garoonka diyaaradaha, iyo Wadada ugu mashquulka badan Magaaladda muqdisho ee Maku Almukaramah.
Dowladda Somaalia ayaa shacabka Magaaladda kaga cudurdaaratay xirnaanshaha wadooyinka magaaladda Muqdisho inta uu shirka socdo,waxayna sheegtay in la furi doono galinka dambe ee maanta.

