Madaxweynaha Jubbaland oo Qaabilay Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka

0
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamed Macalin Cabdulle.
Kulanka waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland Axmad Xassan Cumar iyo masuuliyiin kale.
Intii kulanku socday waxaa laga wada hadlay sidii Jubbaland looga hirgalin lahaa xarunta Qaran ee Gurmadka deg dega ah, taas oo maanta la dhagax dhigay iyo sidii deegaanada Khawaarijta laga xoreenayo loo gaarsiin lahaa gurmad iyo gargaar raashin ah oo dhameystiran, si lamid ah sida gobolada kale ee dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here