Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo gaaray Deegaanka Janaa Cabdale+Sawirro

0
Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jiray Wasiirro iyo Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ayaa maanta gaaray jiida hore ee ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ay kaga sugan yihiin deegaanka Jannaa Cabdalla ee Gobolka Jubada Hoose.
Deegaankaas muhiim u ah isku socodka gobolka ayaa dhowaan ciidamadu waxay ka xoreeyeen Al shabaab.
Wafdiga ayaa u kuurgalay xaaladda ciidamada oo nabadeeyey deegaanada ay gacanta ku hayaan, iyadoo wasaaradda caafimadka ay halkaas geysay daawooyin loogu tala galay ciidanka iyo dadka deegaanka.
Sidoo kale wasaaradda caafimaadka Jubbaland ayaa ciidamada gaarsiisay xoolo nool oo ay ugu tala gashay in loo qalo, waxaana daawooyinka iyo xoolaha ku wareejiyey saraakiisha ciidamada Madaxweyne ku xigeenka Jubaland.
Masuuliyiinta uu horkacayey Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland ayaa la kulmay dadka deegaanka Jannaa Cabdalla, waxayna ka wareysteen xaaladda deegaanka iyo joogitaanka ciidamada, dadkii joogay Jannaa Cabdalle, ayaa ka mahad sheegtay ciidamada oo si wanaagsan ula dhaqmay inta ay joogeen deegaankaas, iyagoo ka codsaday masuuliyiinta in baahiyaha deegaanka ay Jubbaland daboosho.
Deegaankaas Janana Cabdalle ee laga xoreeyey Al-shabaab, wuxuu 60-km u jiraa degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow, isagoo sidoo kale ahaa halbowlaha isku socodka kooxda ee gobollada Jubbaland iyo waddanka Kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here