Dowladda Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray shirka falanqeynta Istaraatiijiyadda Dhaqaalaha ee Blue Economy.
Kulanka oo socon doona sadax maalmood ayaa looga doodi doonaa hannaanka ugu wanaagsan ee loo xasilin karo heerka dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana shirka soo qaban-qaabiyay Dowladda Soomaaliya iyo Urur goboleedka IGAD.
Shirka waxaa furay Wasiirka Arrimaha dibadda XFS iyadoo ay ka qeyb galeen Wasiiru dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga, Agaasimaha Saadaasha iyo Qataraha Urur gobaleedka IGAD, farsamo yaqaanno ka socda dowladda dhexe, dowlad goboleeyada iyo IGAD.

