Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Ka Hadashay Dilka Bilal al-Sudani

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay howl-gal ay ciidamada howl-galada gaarka ah ee Mareykanka ku dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish ee Soomaaliya, kaasi oo lagu magacaabi jiray Bilal al-Sudani.

Al-Sudani ayaa waxaa lala dilay 10 Daacish oo kale kadib howl-gal ka dhacay waqooyiga Soomaaliya, sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda Mareykanka.

La-taliyaha Amniga Qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh Cali ayaa si weyn usoo dhaweeyay dilka al-Sudani, isaga oo hoos u dhigay khatar uu Mareykanka ka muujiyay kooxda Daacish.

“Tallaabadan waxa ay Maraykanka iyo saaxiibadiisa ka dhigeysaa kuwo amaman ah, waxayna ka tarjumaysaa sida ay uga go’an tahay inaan Mareykanka ka ilaalinno khatarta argagixisada gudaha iyo dibadda,” waxaa sidaas yiri xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd Austin oo bayaan soo saaray.

Al-Sudani ayaa markii hore lagu daray liiska argagixisada ee Waaxda Maaliyadda 2012-kii doorkii uu ku lahaa Al-Shabaab darteed.

Wuxuu ka caawiyay dagaalyahannada ajnabiga ah inay u safraan xero tababar oo Al-Shabaab ay leedahay, wuxuuna fududeeyay maalgelinta xagjiriinta rabshadaha ka wada Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Biden.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here