Mareykanka oo Duqeyn Ku Dilay Hoggaamiyihii Kooxda Daacish ee Soomaaliya 

0

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay dishay Hoggaamiyihii Daacish ee Soomaaliya  iyo tiro Maleyshiyaad ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqeyn cirka ah oo diyaaradaha Mareykanku ka fuliyeen Buuraleyda gobolka Bari lagu dilay Horjooge Bilaal-al-Sudani oo ahaa  hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.

Maraykanka ayaa sheegay in Al-Sudani ay la dhinten toban kale oo ka tirsanaa, warka ayaa lagu yiri”

Maraykanku waxaa uu doonayey inuu qabto horjooge Bilaal balse maleeshiyaadka la joogay ayaa sameeyay falcelin”.

Halwgalkan ayay dowladda Mareykanku sheegtay in aysan dad shacab ah waxyeelo ka soo gaarin, sidoo kalena ciidankooda aysan waxyeelo ka gaarin iska caabinta Daacish.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here