Nabad Sugidda Jubbaland oo Ka Hadashay La Wareegista Deegaanka Janaa Cabdalle

0
Ciidamada kale duwan ee Jubaland oo qayb ay ka yihiin Ciidanka Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubaland iyo Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanka Janaa Cabdalle ee Gobolka Jubada Hoose.
Deegaankan Jana Cabdalle ee laga saaray gacanta Al-shabaab  wuxuu min 60km u jiraa Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow isagoo sidoo kale ahaa halbowlaha isku socodka Al-shabaab ee Gobolada Jubaland iyo Wadanka Kenya.
Ciidamada kale duwan ee Jubaland iyo kuwa xooga dalka Soomaaliya oo Al-shabaab  ka xoreeyey deegaanka Janaa Cabdalle ayaa suuragaliyey maanta in Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Jubaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud qaybna ay ka ahaayeen Wasiiro iyo Maamulka Degmada Kismaayo ineey yimaadaan deegaanka Janaa Cabdalle iyagoo dhiirigaliyey Ciidamada ku sugan furimaha hore ee dagaalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here