Warar kala duwan ayaa laga helayaa duqeymo xalay ilaa saakay ka dhacay buuraleyda Calmiskaad Gobolka Bari,ee Maamulka Puntland.
Duqeymahaan ayaa lala beegsaday saldhigyo dagaalyahanadda Kooxda Daacish oo ku yaala Gobolka Bari.
Hawlgalkaas waxaa si wadajir ah u fuliyay Sirdoonka Puntland iyo ciidamada Maraykanka oo is kaashanaya islamarkaana ka duulaya xogo amni oo laga helay degaannada Calmiskaad ee hoostaga degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari.
Duqaymahan oo tan iyo saaka socday ayaa gebi ahaanba lagu burburiyay saldhigyadii Daacish ee buuraleyda Calmiskaad sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Sirdoonka Puntland.
Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in kooxda Daacish qab xoogan loogu geystay duqeymaha saacadihii ugu dambeeyay ka socday Gobolka Bari, ee Maamul Goboleedka Puntland.

