Heerka Qiimaynta ee Hawada Soomaaliya oo Sare Loogu Qaaday Darajada Koowaad

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in guul laga gaaray Maamulka Hawadda Soomaaliya,islamarkaana soomaliya ay gaartay heerka Class A.

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya Fardowsa Cismaan oo qoraal kasoo saartay talaabadaan ayaa sheegtay in dowladda Somaaliya ay guul ka gaartay dhanka Hawadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa u mahadcelisay dhamaan shaqaalaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo dadaalkooda heerkaan lagu gaaray.

Halkaan hoose ka Akhriso Qoraalka Wasiirka Gadiidka iyo Dulista hawada Soomaaliya Fardowsa Cismaan.

“Sharaf ayay ii tahay inan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo qaranka la wadaago guusha weyn ee taariikhiga ah ee  hawada Soomaaliya oo caawa saacado marka ay tahay 12:00 saqda dhexe ah 26ka Janaayo 2023 , si rasmi ugu wareegi doonta heerka ugu sarreeya ee Darajada (Class A).

Waa dhacdo weyn oo wax ka tiri doonta badqabka Hawada iyo amniga marinnada hawada ee ugu mashquulka badan gobolka iyo caalamka. Sidoo kale , wuxuu hannaankan gacan ka geysan doonaa korarka Dhaqaalaha ee dalkeenna.

Waxaa u mahadcelinayaa hoggaanka iyo howlwadeennada Hay’adeenna Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo gaarista hannaankan dadaal badan geliyay, 30 sanno kaddib dalkeenna uu la soo wareegay maamulka Hawada . Waxaan kale u mahadceliyaa hay’adaha iyo ururrada caalamiga ee wada shaqeynta iyo iskaashiga wadaaga ah ee aan ku gaarnay darajadan, kuwaa oo ay ugu horreeyaan ICAO iyo IATA.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here