Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud,Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorshaysan ku dilay sarkaal ka tirsanaa Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.
Howlgalka lagu dilay sarkaalka Shabaab ka tirsanaa ayaa ka dhacay deegaanka Shiikh Cabdullaahi ee degmada Ceeldheer oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.
Sarkaal ka Tirsan Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa laga soo xigtay in ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ay dileen sarkaalka oo kamid ah kuwa dhibaatadda ku hayay shacabka Degmadda Ceel-dheer.
Cabdifitaax Xasan Gaafow oo shabaab ka Tirsanaa ayaa la sheegay in howlgalka lagu dilay,wuxuu kamid ahaa saraakiisha Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanka,islamaarkaana kasoo jeeday.
Saraakiisha ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in lasii wadi doono howlgalka lagu baacsanaayo dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ee ka socda Gobolka Galgaduud.
Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ayaa la wareegay bishaan January ee Sanadkaan cusub deegaano shabaab ay ku sugnaayeen sanado dhowr ah,waxayna taasi muujisay in Al-shabaab laga awood roonaday sanado kadib.

