Diyaarad Drones ah oo kusoo dhacday Gobolka Gedo

0

Wararka ka imaanaya qeybo kamid ah Gobolka Gede ee koonfurta dalka soomaliya ayaa ku waramaya in diyaarad laga leeyahay dalka Mareykanka oo kuwa drones-ka ay kusoo dhacday Gobolkaas.

Diyaarada ayaa la sheegay in ay kusoo dhacday dhulka buuralayda ah gaar ahaan deegaan la yiraahdo Shan dacaar oo 70 KM ujira magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo. Oo ay ka arimiyaan xarakada al-shabaab.

Dhanka kale diyaarada drones-ka ee kusoo dhacday Gobolka Gedo ayaa la sheegay in ay ku xirnaayeen 6-gantaal oo  kuwa duqeymaha lagu fuliyo ah.

Wali wax war ah kama soo bixin ah dhanka  dowlada Mareykanka ay kaga hadlayso diyaarada la sheegay in ay dalka mareykanka laga leeyahay ee kusoo dhacday Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka soomaliya,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here