Eduardo Berizzo:- Waa Xushmad daro in Gool Rigoore ahaa la baaso

0

Macalinka kooxda Celta Vigo Eduardo Berizzo ayaa xushmad daro ku tilmaamay gool kulaadkii uu basaasay weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Messi uuna dhaliyay Luis Suarez.

Laacibka heerka caalami ee xulka dalka Argentine ayaa helay gool kulaad balse meshii laga rabay in uu dhaliyo waxa uu u baasay xidigii Hore ee kooxda Liverpool Luis Suarez kaasi shabaqada ku shubay.

Macalin Eduardo Berizzo oo saxaafada hadal kooban siiyay saxaafada  kadib ciyaarta ayaa sheegay in wax xushmad daro ay tahay in kubad gool kulaad ah la baaso saasna lagu dhaliyo,

Barcelona ayaa xalay ka adkaatay kooxda Celta Vigo kadib goolal ay ka heshay Luis Suarez oo 3dhaliyay Lionel Messi, Ivan Rakitic iyo Neymar oo  min hal gool dhaliyay waana kulankii 30-aad oo ay guuleysanayso Barcelona.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here