Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan.

0

Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ahaa oo saakay lagu weraray xero ay ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo kuwa Macawiisleyda ku lahaayeen degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Sida ay xaqiijiyeen laamaha amaanka Gobolka Hiiraan,qof watay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa beegsaday Saldhiga Degmada Halgan.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo qaraxa ka dhashay, iyadoo waxyeelada ugu badan ay gaartay ciidamada Huwanta ah ee la beegsaday.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa ismiidaaminta ah ay ku dhinteen 5-ruux, halka5-kale ay ku dhaawacmeen.

Mas’uuliyiinta ku dhintay ilaa haatan ee la xaqiijiyay waxaa kamid ah Taliyihii Hay’adda CID Saldhiga Magaaladda beledweyne Jamaal axmed jaamac oo kamid ahaa xubnihii ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay ee Halgan.

Sawirro laga soo qaaday goobta la qarxiyay ayaa muujinaya burbur culus uu gaaray dhismayaal ku yaalay degmada Halgan, iyadoo dhismayaasha hoostooda laga raadinayo dad lagu la’yahay weerarkaasi.

Qaraxaan ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii saddex qarax oo Ismiidaamin ahaa ay ka kala dhaceen degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula-burde, kuwaasoo sababay khasaare dhimasho oo ka badan 30 ruux.

Dagaalyahanadda Xarakada Al-shabaab ayaa dagaalkooda dowladda kula jiraan u badalay qaraxyo joogto ah, kadib markii dowladda guulo ka gaartay dagaalkii tooska ahaa.

Ma jiro qorshe dowladda Federaalka Soomaaliya u dajisay ka hortaga qaraxyadda ay fulinayaan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo haatan noqday kuwa isdaba joog ah.

Qaraxyadii ugu dambeeyay ay fuliyaan Shabaab  waxaa ku nafwaayay ku dhawaad 45-ruux oou badan ciidamo,shacab iyo mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Hir-shabeelle.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here