Magaalada Bayhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya ee dhawaan la shaaciyay.
Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Baydhabo.
Wafdigan gaaray Baydhabo ayaa hordhac u ah safar Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagayo magaaladaasi.
Shirkan oo lagu heshiisiinayo siyaasiyiinta Koofur Galbeed ayaa sidoo kale looga hadli doonaa xal u helista deegaanada maamulkaasi oo meelo badan oo kamida Shabaab go’doomiyeen.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay qabsoomidda shirkaan,kadib dagaalkii ka dhacay Magaalada Baydhabo.
Ciidamadda amaanka Maamulka Koonfur galbeed Somaaliya ayaa weerar ku qaaday hoyga mid kamid ah xubnaha u taagan qabashadda Xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya kasoo jeedda ayaa ku doodaya in muddo xileedka madaxweyne C/casiis Lafta-gareen uu dhamaaaday,islamarkaana aan la aqbaleynin muddo kororsi sharcidaro ah.

