Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa wuxuu magaaladda Kismaayo ku qaabilay Wasiirka Difaaca dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale.
Ducaale ayaa booqasho iyo kormeer ugu yimid Ciidamada Kenya ee kamidka ah howlgalgalka ATMIS ee ka qeybqaadanaya howlagalada dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Jubaland.
Labada mas’uul ayaa, sidda ay sheegtay Madaxtooyadda Jubaland, waxay ka wada hadleen diyaar garoowga loogujiro sidii loo bilaabi lahaa howlgalka Al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada Jubaland iyo tageerada Ciidamada Dowlada Kenya ee k midka ah howlgalka ATMIS ee qeybta ka ah howlgalada dhawaan bilaabanaya.
“Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa si qoto dheer u lafa guray sidii looga wada shaqayn lahaa amniga xuduudaha mudada ay socdaan howlgaladan,” ayaa lagu soo xiray bayaanka.
Kenya ayaa dano istaraatiijiyadeed ka leh Jubaland.
Safarkan wuxuu imaanayaa xilli Itoobiya ay xoojisaygalaagankeeda gobolka Gedo halkaasoo ay tageen xubno mucaaradsan Axmed Madoobe

