Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Xilal Ka Qaaday Wasiiro

0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis qaar ka mid ah xubnihiisa Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Shaqada & Shaqaalaha.

Cabdullaahi Maxamed Aadan ayaa loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, halka Cumar Cabdiraxmaan Maxamed loo magacaabay inuu noqdo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Shaqada & Shaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu Cabdifitaax Cali Yuusuf u magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, saacado uun ka dib markii uu xilkaasi iska casilay Ilyaas Cali Nuur, oo horey ugu magacawnaa Wasiirka Warfaafinta.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here