Shirka Golaha Wadatashiga oo Maanta Furmayo, Qodobadda Loogu Hadlaayo

0

Magaaladda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shirka Watashiga Qaran ee Madaxda Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Shirka oo ah mid deg-deg ah oo uu iclaamiyay madaxaweyne Xasan Sheekh ayaa ka dhacay Villada Soomaaliya, halkaas oo ay ka socoto qaban-qaabadii u dambeysay.

Inta badan madaxweynayaasha maamul Goboleedyadda ayaa ku sugan Magaaladda muqdisho,waxaana maanta lagu wadaa in uu soo gaaro Magaalada Muqdisho Madaxweynaha Puntland.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah ayaa waxaa looga arrinsan doonaa arrimo ay kamid yihiin, amniga, dagaalka Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobollada dalka iyo qeybsiga kheyraadka dalka iyo arrimaha gurmada Abaaraha ee dalka,iyo arinta Gobolka Gedo.

Sidoo kale waxaa jira dood kale oo la xiriirta muddo kororsiga madax goboleedyada dalka oo hadda sii laba kacleysay, maadaama Magaaladda Baydhabo uu ka dhacay dagaal ka dhashay muddo kororsigaLafta-gareen, waxaana la filayaa in ay madaxdu ka hadlaan arrintaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here