Kooxo hubeysan ayaa xalay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxa ay ku dileen Nin nabadoon ahaa.
Dilkaan ayaa ka dhacay Degmadda Heliwaa ee Gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal laba nin oo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa toogtay Ala Ha U Naxariistee Nabadoon Xirsi Cali Diirshe oo kamid ahaa Nabadoonadda Soomaaliyeed,waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.
Ilaa haatan lama oga sababta loo dilay Nabadoonka,iyo war kasoo baxay laamaha amaanka oo loogu hadlaayo falkaan ka dhacay Heliwaa.
Mudooyinkii dambe waxaa Magaaladda Muqdisho ka dhacayay dilalka qorshaysan oo ay gaysanayaan ragga hubeysan.

