Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Deegaanka ayaa la wareegay sanado kadib Degmadda Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ciidamo ay kala wateen Col. Saney Cabdulle, Cali Xuubey, Macawuusleey iyo Cutubyo ka tirsan Gorgor ayaa shalay ku sugnaa degaan lagu magacaabo Mabaax oo ah banaanka magaalada.
Sidoo kale Ciidamo uu horkacayo taliyaha dhulka Jeneral bixii oo ka baxay degmada Cadalle ayaa ku biiray howlgalka kuwaas oo fariisin ka dhigtay meel 4km u jirta degmad Aadan Yanaal.
Xalay xili horey ayay u suurta gashay ciidamadda kala duwan ee Dowladda in ay la wareegaan Degmadda Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, oo muddo sanado ah ay ku sugnaayeen ciidamadda Al-shabaab.
Xildhibaan Xasan C/Qaadir Muudey oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle islamarkaana la socda ciidamadda la wareegay degmadda Aadan Yabaal oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in ciidamadda Dowladda ay si nabad ah kula wareegeen degmadda.
Waxa uu sheegay in shabaab aysan laheyn awood ay kula wareegaan degmadda laga qabsaday,ayna qorshaynayaan in ay la wareegaan degmadda Ruun-Nirgood
Degmada Aadan yabaal hadii Shabaab laga qabsado waxey ka dhigan tahay inuu waayihii Shabaab ee Hirshabelle uu iska soo dhamaaday, waxaana degmadan ay eheyd halka laga abaabulo gulufka Hiiraan iyo Sh.Dhexe ee kooxdan.

