Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ganacsade caan ah ku dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.
ilaahay ha u naxariistee marxuum Cabdi Sheekeeye ayaa isla goobta lagu toogtay ku dhintay kadib markii ay rasaastu ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa.
Marxuum Cabdi Sheekeeye ayaa la sheegay inuu ahaa ganacsade caan ah iyo dalaal kala iibiya guryaha, lamana oga illaa hadda sababta ka dambeysa dilkiisa.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kooxo ka dhacay mobil uu watay ay ka dambeeyeen dilkiisa,kadib muran soo kala dhexgalay.

