Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Deegaanka ayaa kaabiga ku haya degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas oo muddo sannado ah gacanta ku hayeen Al Shabaab.
Saraakiil ka Tirsan Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Hir-shabeelle ayaa hogaaminaya ciidamadda iyo kuwa dadka deegaanka ee ku wajahan degmada Aadan Yabaal oo fariisin muhiim u ahaa Al Shabaab.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalyahanada Al Shabaab ayaa isaga baxay degmada Aadan Yabaal, waxaa sidoo kale degmadasai faarujiyay dadkii shacabka ahaa ee kunoolaa ,kuwaa oo u qaxay deegaano kale oo nabdoon.
Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa ku waramaya in ay qorsheenayaan in saacadaha soo aadan si buuxda gudaha ugu galaan degmada Aadan Yabaal, waxa ayna xuseen in ay socdaan howlgalo miino baaris ah.

