Mas’uul ka Tirsanaa Maamulka Deyniile oo Muqdisho Lagu Dilay

0

Dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab ayaa Magaaladda muqdisho ku dilay Cumar Khaliif Xasan oo ahaa Madixii Samafalka Barakacayaasha ee degmada Dayniile.

Dilkaan ayaa ka dhacay isla gudaha Degmadda Deyniile sida goobjoogayaal ay inoo sheegeen.

Cumar ayaa la sheegay in la dilay xili uu ka soo laabtay kormeer uu ku soo sameeyay xerooyinka ay dagan yihiin dadka barakacayaasha ah ee aqalada cowshadaha iyo bacaha ka sameysan ku leh halkaasi.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka loo geystay Cumar Khaliif Xasan oo ahaa Madixii Samafalka Barakacayaasha ee degmada Dayniile

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here