Kooxda isugu yeerta dowladda Islaamka ee IS ayaa ku dhawaaqday inuu geeriyooday hogaamiyihii ururkaasi Abuu Al-Xassan Al-Hashimi al-Qurayshi.
Fariin cod ah oo uu soo saaray afhayeenka kooxda ayaa lagu sheegay in la dilay xilli uu la dagaallamayay waxa uu ugu yeeray “Cadowga Alle”, balse ma uusan bixin faah faahin intaas dheer.
Maraykanka ayaa sheegay in lagu dilay hawlgal ay fallaagada Free Syrian Army ka fuliyeen koonfurta-galbeed ee dalka Suuriya bartamihii bishii Oktoobar.
Afhayeenku wuxuu sheegay in hoggaamiyaha geeriyooday lagu badlay hoggaamiye cusub oo lagu magacaabo Abuu al-Xuseein al-Xuseyn al-Qurayshi.
Balse afhayeenku waxaa uu ka gaabsaday inuu sheego magaciisa dhabta ah, dhalashadiisa iyo halka uu ka soo jeedo.
Waxa uu ku tilmaamay Abuu al-Xussein inuu ka mid ahaa mujaahidiinta ruug cadaaga ah,waxana uu ku booriyay taageerayaasha kooxda in ay daacad noqdaan.
Faah-faahin badan lagama hayo Abuu al-Xasan, oo aan waligiis wax hadal ah ku soo saarin magaciisa hoggaamiye. Laakiin Isniintii, baraha bulshada ee tagaeera kooxda IS ayaa lagu sheegay in la dilay “muddo ka hor”.
Taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Abuu al-Xassan ay ku dileen gobolka Deraa ee koonfurta-galbeed ee dalka Suuriya, waxaana dilkiisa fuliyay dallad ay ku midaysan yihiin kooxaha fallaagada ah ee doonaya inay xukunka ka tuuraan madaxweyne Bashaar Al-Asad dagaalka sokeeye ee dalkaas ka socda. .
Ma jiro wax ciidamo Mareykan ah oo ku lug lahaa howlgalka, afhayeen u hadlay militariga ayaa sidaasi sheegay
Mar sii horreysay, afhayeen u hadlay Golaha Ammaanka Qaranka Mareykanka, John Kirby ayaa yiri: “Waxaan soo dhaweyneynaa ku dhawaaqista in hoggaamiye kale oo [IS] uusan hadda ku socon wejiga dhulka.”

