Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya u gudbiyay Mooshin amniga la xiriira.
Mudanayaashan oo tiradooda ay tahay 22 xildhibaan ayaa mooshinka ku dalbanaya in laga doodo Amniga dalka iyo Xasaanadda Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
Qaar kamid ah Xildhibaanadda wax ka saxiixay mooshinkan ayaa soo jeediyay in kulanka maanta lagu soo daaro ajendahan.
Kulanka maanta re baarlamaanka ayaa ajandihiisu ahaa qeybinta akhrinta 1aad ee Hindisa Sharciyeedka Korantada & Warbixinta Xildhibaanada, balse waxaa la horkeenay mooshin ay saxiixeen 22 Xildhibaan, kaas oo ah in laga hadlo Arrimaha Amniga, lana hakiyo Ajandayaasha kale.

