Wasiir Fiqi oo Gaaray Magaalada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan.

0

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo mas’uuliyiin kale oo labada heer ee dowladda ah ayaa saaka safar indha indheyn waxaa ay ugu ambabaxeen magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Mudane Wasiir Fiqi, waxaa safarka ku wehliya wasiirka Qorshaynta XFS, Wasiiru dawlaha Gaashaandhiga ee XFS, Xildhibaanno qaran, wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabelle iyo saraakiil kale oo ka tirsan hey’adaha dowladda iyo xasllinta.

Safarka ayaa waxaa uu ujeedkiisu yahay u kuurgelidda xaaladda dadka deegaanka, qiimeynta buundada ay shabaab qarxiyeen, barnaamijyada xasillinta iyo arrimo kale.

Wafdiga ayaa sidoo kale kulammo la yeelanayo saraakiisha amniga ee ka socdo ATMIS, SNA, Booliiska , maamulka degmada iyo bulshada rayidka.

 

DHAMMAAD

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here