Qaraxyo xoogan ayaa goordhaweyd ka Dhacay Magaaladda Muqdisho.
Jugta qaraxyadda oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday meel ku dhow isgoyska Zobe ee Magaaladda Muqdisho.
Qaraxa koowaad oo ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu weerararay Xarunta Wasaaradda Waxbarashadda Soomaaliya,waxaa galay rag hubeysan oo ilaa haatan ka dhex dagaalamaya.
Qarax labaad ayaa daqiiqo kadib laga maqlay magaaladda Muqdisho wuxuuna ka dhacay isla xarunta Wasaaradda waxbarashadda.

