Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in Dagaalka Al-shabaab oo Dhamaad ku Dhow Yahay

0
Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 5-aad ayaa hawlgal ay ka sameeyeen Buuraha Camal oo qiyaastii 20km u jirta Deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan ku dilay shan ka tirsan  Alshabaab.
Ciidanka Xoogga oo ku raad joogay firxadka Alshabaab oo looga soo adkaaday dagaaladii ka dhacay gobalka oo ay iska kaashanayeen ciidanka qaranka iyo dadka deegaanka ee lagu xoreeyay deegaano badan ayaa sameeyay hawlgalkani si loo ciribtiro Shabaab-ka baxsadka ah ee lagu jabiyay dagaalka.
Ciidanka ayaa wali wada hawlgalo is daba joog ah si loo xaqiijiyo al-shabaab  in aanay helin goobo ay gabbaad ka dhigtaan.
Ma jirto waddo aan ahayn inay isi soo dhiibaan oo u furan dhalinyarada ay Al-shabaab qaldeen, Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dadkeeda waxaa ka go’an in ay soo afjarto Alshabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here