Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in shabaab ay lasoo baxeyn farsamo cusub oo layaab ku noqotay dowladda Soomaaliya.
Kadib dagaalo ka dhacay Gobolka Hiiraan ayuu sheegay Taliyaha in Al-Shabaab ay madaxa ka jareen meydadka saddex ruux oo looga dilay deegaanka Abooreey, isagoo dadkaasina ku sheegay iney ahaayeen saraakiil muhiim u ahaa Al-shabaab.
“Aboorey waxaa ka dhacday qiso cajiib ah oo u baahan in umadda loo bandhigo, meydadkii ay Al-Shabaab deegaankaas uga carareen waxaa ku jirtay seddax nin oo madaxa ay ka goosteen, waa arrin cajiib ah, nin madaxa ka goynaya ninkii garabkiisa ka dagaalamayey, si walba oo loo dilo, laakiin saan tuhmeyno waa kuwo ayaga horjoogayaal u ahaa,” ayuu yiri Jeneraal Biixi oo Radio Muqdisno u waramay.
Sidoo kale waxa uu sheegay Maxamed Tahliil Biixi in Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed uu aqoonsaday mid kamid ah raga madaxa Shabaab ay ka jireen,islaamrkaana warbaahinta dhawaan loosoo bandhigi doono.
Ugu dambeyntii Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Maxamed Tahliil Biixi oo ka jawaabayay hadalkii afhayeenka Al-shabaab Cali dheere ayaa sheegay in dagaalka Shabaab uusan joogsan doonin,ilaa shabaab dalka laga saaro.

