Xildhibaan Ka Tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya oo Muqdisho Ku Geeriyooday

0

Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,ayaa saakay ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Mursal (Boorow) ayaa la sheegay inuu geeriyooday ka dib xanuun soo wajahay.

Geerida Xildhibaanka ayaa waxaa xaqiijiyey Xildhibaano saaxiibadiis ahaa iyo Wasiirkii hore ee haweenka Dowladda Soomaaliya Xaniifa Xaabsade oo bogagooda baraha bulshada ku soo daabacay.

Marxuum Xildhibaan Maxamed Maxamuud Mursal (Boorow) ayaa kamid ahaa xildhibaanada laga soo doortay Maamulka deegaanada Koonfur galbeed Somaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here