Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in weerar ka dhacay Gobolka hiiraan lagu dilay 35- ka Tirsanaa Dagaalyahanada Xarakadda Al-shabaab.
Qoraal kasoo baxay Taliska oo lagu baahiyay warbaahinta Dowladda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in weerarkaan uu ka dhacay deegaanka Abooreey oo qiyaastii 25 Km dhanka bari kaga beegan degmada Buulo burde ee gobolka Hiiraan.
“Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xalay abaaro 2:00 Am habeenimo degaanka Abooreey oo qiyaastii 25 Km dhanka bari kaga beegan degmada Buulo burde ee gobolka Hiiraan ku dilay ku 35 katirsan Al-shabaab.
“Saraakiisha Ciidanka XDS ee ku sugan degaanka Abooreey ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe Al-shabaab oo socda ay ku heleen duleed koonfureed ee degaankaasi halkaasi ay ku gaarsiiyeen khasaare xoogan, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa shalay degaanka Abooreey ka saaray maleeshiyaadka Al-shabaab”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

