Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaano dhowr ah oo ay ka mid yihiin deegaanka Abooreey, Tardo, Sagaalgeed, Geedsamo,Inameey, oo dhammaan hoos yimaada degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan.
Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ee hormuudka u ah dagaalka dalka looga xoreyynayo Al shabaab ayaa soo bandhigay, meydadka Al-shabaab iyo sido kale hubkii laga furtay.

