Madaxweyne Xasan Shiikh oo La Kulmay Isimada iyo Hoggaanka Dhaqanka Puntland.

0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Puntland ee magaalada Garoowe waxa uu kulan latashi kula qaatay qaar ka mid ah Isimada iyo hoggaanka dhaqanka Puntland.
Madaxweynaha oo kulanka uu ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa Isimada iyo waxgaradka Puntland waxa uu ka dhageystay talada iyo doorkooda horumarineed ee ku aaddan adkaynta dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tan iyo Khamiistii ku sugan Magaalada Garoowe ayaa kulamo kula leh Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland iyo qaybaha bulshada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here