Dowladda Kenya oo Heegan Galisay Ciidankeeda Ku Sugan Xaduudka Soomaaliya

0

Dowladda Kenya ayaa heegan galisay ciidankeeda kadib fariintii hanjaabadda aheyd ee ka yimid Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamadda amaanka dalka Kenya oo kulamo degdeg ah yeeshay ayaa isku raacay in heegan la galiyo ciidankooda jooga Soomaaliya iyo kuwa xadka ku sugan, waxaa sidoo kale la adkeeyay amaanka xarumaha suurto galka tahay in la weeraro.

Ciidamada Kenya ee ku sugan xuduuda Soomaaliya ayaa amar lagu siiyay in ay la socdaan dhaqdhaaqa xadka iyo dadka kasoo gudbaya, waxaa  sidoo kale la faray saraakiisha ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya in ciidanka heegan galiyaan.

Bayaan kasoo baxay Al-shabaab  ayaa lagu sheegay in Kenya heesato fursad ay dib u eegis ugu sameyn karto duullaanka ay kusoo qaadey Soomaaliya, waxa ayna Al Shabaab sheegeen haddii Kenya ciidankeeda kala bixin dalka dibna u saxin qaladkii ay galeen dhibaato la kulmi doonaan.

“Doorasho si adag loogu loollamay oo wadanka ka dhacday kadib, Kenya waxay maanta taagan tahay dariiq kalabeyr ah xilli ay Kenyaatigu isku diyaarinayaan in ay xafiiska keensadaan madaxweyne cusub, waxay markale heystaan fursad ay ku muraajaceyn karaan go’aannada siyaasadooda arrimaha dibadda iyo raadadka ka dhalanaya go’aanadaas oo uu ugu horreeyo duullaanka sharci darada ah ee ay kusoo qaadeen Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Al Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here