Labo markab oo ah kuwa dagaalka oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa maraya marin biyoodka Taiwan, sida lagu shaaciyay war ka soo baxay ciidamada badda Mareykanka.
Waa howlgalkii ugu horreeyay oo noocan ah oo dhaca tan iyo markii ay sii korortay xiisadda u dhaxeysa Taiwan iyo Shiinaha oo cirka isku sii shareertay markii Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay horaantii bishan booqatay Taiwan.
Shiinaha ayaa ka falceliyay booqashada Nancy Pelosi waxa uuna aagga hadda ay maraakiibta Mareykanka marayaan ka sameeyay dhoolatus militari oo ballaaran.
Ciidamada badda ee Maraykanka iyo kuwa kale oo reer galbeed ah ayaa si joogta ah u marayay marin-biyoodkan sanadihii u dambeeyay.
jawaabta Shiinaha
Washington ayaa sheegtay in labada markab ee gantaalaha laga hago oo lakala yiraahdo USS Antietam iyo USS Chancellorsville ay uga gol leedahay adkeynta xorriyadda socodka biyaha caalamiga ah.
Beijing waxay u aragtaa falalkan kuwo sii kicinaya xaaladda waxayna ku adkaysanaysaa in jasiiradda Taiwan ay tahay qayb ka mid ah dhulka Shiinaha.
Axadda maanta ah ayay ciidanku Shiinaha sheegeen inay la socdaan dhaq-dhaqaaqa labada markab, iyagoo sheegay inay sameeynayaan feejignaan dheeri ah, ayna diyaar u yihiin inay ka jawaabaan daandaansi kasta, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

