Rasaas goos-goos ah ayaa weli laga maqlayaa Hotelka Xayaat ee Magaaladda Muqdisho.
Ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa alpha Group ayaa weli hoteelka kula dagaalamaya Alshababkii xalay weerarka ku qaaday Hoteelkaasi.
Ilaa 7-xubnood oo Alshabaab ah oo ku hubeysan qoryaha AK-ga iyo bombooyiin ayaa la xaqiijiyay in ay gudaha u galeen hoteelka Hayaat.
Inkastoo inta badan weerarka la soo af-jaray , waxaa la xaqiijiyay in hal kamid Al-Shabaab soo qaaday weerarka uu gudaha ka dagaalamayo.
Weerarkii xalay lagu qaaday hoteelka Xayaat ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac,waxaa ku dhintay dad shacab ah uu ku jiro milkiilaha Hoteelka.

