Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa Al-shabaab uga digay in aysan carqaldeyn gargaarka la gaarsiinayo dadka ay abaarta saameysay ee ku dhaqan deegaanada fara ku tiriska ee ay gacanta ku hayaan.
“ Waxaana rabbaa inaan uga digo in aysan carqaladeyn deeqaha ku socda deegaanada gacantooda ku imtixaanan, in ay ka wareegaan deeqdaas oo la gaarsiinayo dadka u baahan”, ayuu yiri wasiir Ahmed Macalin Fiqi.
Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa ku tilmaamay in abaaraha iyo barakaca dalka ka jira ay sabab u yihiin Al-Shabaab, wuxuuna carabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal xooggan ku bixineyso sidii gargaar banii-aadnimo loo gaarsiiyo dadka dhibaateysan ee la daala dhacaya abaaraha iyo colaada ee ay qeyb ka yihiin Alshabaab.
Alshabaab ayaa go’doomiyay deegaano badan oo Goboladda Dalka ah,kuwaaasi oo abaare ay ka jiraan.

