Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarkii Hoteelka Xayaat,Ciidamadda oo Gudaha u Galay

0

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gaba-gabeeyay weerarkii Al-shabaab ay habeenkii sabtida ayeyd ay ku qaadeen Hotelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho.

Xaaladda hoteelka ayaa hadda ah mid degan, iyadoo aanay jirin wax rasaas ah oo halkaasi laga maqlayo, ciidamadii dhismaha hotelka ku jiray ayaana bilaabay inay dib uga soo baxaan.

Dhanka kale Saraakiisha laamaha amniga ayaa laga soo xigtay in weerarka uu istaagay, balse ay Warbaahinta la hadli doonaan maanta oo axad ah.

Khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarkani ayaa la sheegaya inuu aad u badan yahay, waxaase illaa iyo hadda la ogyahay in 20 qof ku dhinteen, halka 50 kalena ay ku dhaawacantay, iyadoona uu khasaaruhu intaasi ka badan karo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here