Koonfur Galbeed oo Sheegtay in ay Dileen Madaxii Al-shabaab ee Weeraradda

0

Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa saaka howlgal qorsheysan oo laga fuliyey tuulada neebsooy ee duleedka Magaalada Baydhabo ku dilay laba shabaab ah oo uu ku jiray nin horjooge ah.

Howlgalkani oo ka dhacay meel 40 km u jirta Beydhabo waxaa lagu dilay horjooge Al-Shabaab  uqaabilsanaa weerarada,kaas oo magaciisa lagu sheegay Cali nuur iimaan (tufow),halka sidoo kale la dilay Awal Macalin Cabdulahi oo ahaa istaaf ama ilaali.

Teliyaha Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka konfur galbeed oo howlgalka hogaminayey ayaa sheegay inay howlgalada ay  sii wadi doonaan ilaa inta degaannada konfur galbeed laga saarayo Al-Shabaab .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here