Qarax Ismiidaamin ah oo Lagu Dilay Gudoomiyihii Magaaladda Marka

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in qarax ismiidaamin ahaa uu goordhaweyd ka dhacay Magaaladaas.

Sida ay inoo sheegeen goobjoogayaal, qaraxa oo ismiidaamin ahaa ayaa ka dhacay Xarunta Degmadda Marka,waxaana fuliyay qof isku xirey waxyaabaha qarxa.

Inta la xaqiijiyay 11-qof ayaa ku dhimatay qaraxa,dadka dhintay waxaa kamid ah Gudoomiyihii Degmada Marka Cabdulaahi Waafoow.

Guddoomiyaha magaalada Marka ee qaraxa lagu dilay Cabdullaahi Cali Waafow ayaa horey u ahaa sargaal katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya,waxaana tan iyo markii xilka guddoomiyaha Marka loo magacaabay Waafow laga dareemayay isbadal xoogan.

Dhanka kale qarax Miino ayaa ka dhacay Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan Suuqa Lagu iibiyo ariga.

Taliyaha Booliska Degmadda Afgooye oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in qarax oo ahaa soo boodo, ay ku dhinteen tiro shacab ah.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here