Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxamed Cumar “Cagjar” ayaa sheegay in weerarka Al-Shabaab ay ku qaaday DDS uu la xariiro is-heynta Biyo-xieenka ay Itoobiya ka dhisayso webiga Nile.
Wareysi uu siiyay laanta Afka Amxaarada ee VOA, ayuu ku sheegay Madaxweyne Cagjar duullaanka Al-Shabaab ay qayb ka yihiin jabhadaha Itoobiya ka dagaalama[Caddawga gudaha] iyo caddawga gobalka ee ay is hayaan Itoobiya.
Sidoo kale, Mustafe Cagjar ayaa xusay in weerarka uu la xariiro Biyo-xireenka Abay, ee ay isku hayaan Itoobiya iyo Masar, isagoo sheegay in Al-Shabaab ku doonaysay inay saldhigato deegaannada Soomaalida iyo Oromada Itoobiya, gaar ahaan in buurraha dhanka Celkari iyo Baal[Oromo], si halkaas oo uga soo abaabusho weeraro argagixiso.
Madaxweynaha DDS ayaa tilmaamay in si guud qorshahaas la fashiliyay, ayna ka heleen macluumaad badan oo aan weli la shaacin ay ka heleen maxaabiista ay ka qabteen Al-Shabaab.

