Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qarax ka dhacay Magaaladda marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerar ismiidaamin ah lagu beegsaday Gudoomiye Waafoow
“Al-shabaab ayaa weerar ismiidaamin ah ku beegsaday Cabdulaahi Waafoow oo Dowladda ugu magacaawnaa guddoomiyaha degmada Marka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.
Waafoow ayaa kamid ahaa shakhsiyaadkii la shaqeynayay Ciidamadda ATMIS EX AMISOM,Kuwaasi oo saldhigyo ku leh Degmadda Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Guddoomiyaha magaalada Marka ee qaraxa lagu dilay Cabdullaahi Cali Waafow ayaa horey u ahaa sargaal katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya,waxaana tan iyo markii xilka guddoomiyaha Marka loo magacaabay Waafow laga dareemayay isbadal xoogan.

