Mareykanka oo Beeniyay Iney Aqoonsi Caalami Ah U Raadinayaan Somaliland.

0

Dowladda Mareykanka ayaa beenisay in ay aqoonsi caalami ah  siin doonto Maamulka Somaliland, oo gooni u goosad ah.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre oo magaalada Minneapolis uga qeyb galay xuska todobaadka xoriyada ayaa ka hadlay dalab dhawaan uga yimid Somaliland oo ahaa in loo ixtiraamo gooni isku taaggooda.

Waxa uu sheegay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre in siyaasadooda uga degsan Soomaaliya ay tahay hal dal oo ay ixtiraamayaan xuduudihii xiligii xoriyada.

“Siyaasaddeenu waa mid la mid ah 62-kii sannadood ee u dambeeyay, oo ah Soomaaliya taariikhi ah, xuduudaheeda taariikhiga ah, tan iyo markii ay isku biireen waxii loo aqoon jiray British Somaliland iyo Italian Somaliland oo ay hal dal wada dhisteen,” ayuu yiri safiirka Maraykanka ee Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here