Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa si kulul uga hadlay wararka sheegaya in ciidamada Jubbaland iyo kuwa Danab ay xasuuq ka geysteen deegaan hoostaga magaalada Kismaayo.
Sayid Aadan oo kulan la yeeshay xildhibaano ka tirsan Jubaland ayaa sheegay inay cabasho kasoo gaartay howlgal ciidanka Danab iyo kuwa Jubbaland ka sameeyeen deegaanka Qudus oo qiyaastii 65 KM u jira magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Waxa uu shaaca ka qaaday in baaris agu sameeynayo dhacdadaas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac la gaarsiiyey dad shacab ah.
Sidoo kale wuxuu ballan-qaaday in dabagal, kadib uu maamulku qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, si loola xisaabtamo ciidamadii geystay falkaas.

