Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu wada in saacadaha soo socda uu shaaciyo Raisulwasaaraha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xalay Xaflad casho ah ku martiqaaday Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, taasoo ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.
Waxaa soo baxayay tan iyo xalay in Madaxweynaha uu goob fagaare ah kaga dhawaaqi doono Magaca Raisulwasaaraha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,balse taasi ma dhicin.
Madaxweynaha ayaa waday maalmihii dambe la tashiyo ku aadan magacabista Raisulwasaaraha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Saddexda jiho ee Madaxweyne Xasan Sheekh Raisul Wasaaraha Cusub ka keeni karo ayaa lagu sheegay.
1- Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, oo kala matala Puntland iyo Jubbaland.
2- Teamka iyo Saaxibada Madaxweynaha
3- Deeq bixiyeyaasha Local-ka (Ganacsatada) ee maalgeliyay Ololihiisa
Xubnaha loo sadaalinaayo sanadkaan Xilka Raisulwaraha waxaa kamid ah Xamsa Cabdi Cumar, oo haatan kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, sidoo kalana kamid ah saaxibadda Madaxweynaha kana mid ah Xibsiga UPD EE Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.
Xamze ayaa sidoo kale soo noqday gudoomiyaha guddiga doorashada ee Jubbaland.
Xubnaha kale ee loo sadaalinaayo waxaa kamid ah Maxamed Kenyaan oo kamid ahaa guddiga doorashadda 2016-kii afhayeenka u ahaa Guddiga,islamarkaana siyaasada wax badan ka og.
Shaqsiga seddexaad ayaa ah Cali Ciid madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka galmudug,kaasi oo si dhow haatan ula shaqeeya madaxtooyadda Soomaaliya,islamarkaana haatan loolan ugu jira helidda kursiga Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynayaashii dalka soo maray ayaa hore u soo saari jiray wareegtooyin ay ku magacaabi jireen ra’iisul wasaaraha ama waxaa wariyayaasha la hadli jiray Afhayeenadooda oo u akhrin jiray wareegtada magacaabista, balse hanaanka uu hada wado madaxweyne Xasan Sheekh ee ah inuu xaflad fagaare ka dhaceysa uga dhawaaqo ayaa ah mid ku cusub dalka.
Inkastoo aanu Dastuurka ku qorneyn in Madaxweynaha uu muddo 30 cisho gudahood ku soo magacaabo Ra’iisul Wasaare, haddana dhaqan soo jireen ayay aheyd, iyadoo Axdi Qarameedkii lagu soo dhisay dowladdii KMG ee Imbagathi uu dhigayay in Madaxweynaha 30 cisho gudahood Ra’iisul Wasaare ku soo magacaabo.
Xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh waxaa buuxiyay xubno xil doon ah oo isugu jira kuwo siyaasada ku cusub iyo qaar kale oo hore xilal uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray, waxaana loo badinayaa in ra’iisul wasaaraha cusub uu ka yimaado maamulada Jubaland ma Puntland.

