Howgal Lagu Dilay Dagaalyahan Ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  ayaa howgal qorsheeysan ka sameeyay degaanka Qabdho oo hoostaga degmada matabaan ee gobolka hiiraan halkaas oo ay khasaare xoogan ku gaarsiiyeen al-shabaab.

Ciidanka xoogga ayaa al-shabaab ka dilay ku dhawaad 10 dagaalyahan ah iyagoo bur-buriyay bartii ay shacabka kaga qaadayeen lacagaha baada ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay sidii looga hortagi lahaa dhagarta Al-shabaab islamarkaasna shacabka looga dul qaadilahaa dhibaatada ay ku hayaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here