Duqeyn ka dhacday Gobolka Jubadda hoose ayaa lagu dilay Xubno ka tirsan Al-shabaab.
3-Juun 2022 dowladda Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee Afrika oo iska kaashanaya ayaa howlgal dhanka cirka wax ay ka fuliyeen deegaanka Beer-xaani ee gobolka Jubbada hoose.
Duqeynta ayaa lagu dilay Shan ka mid ah Al-shabaab, iyadoo aysan jirin wax Khasaare ah oo gaaray dad shacab ah.


