Kulanka maanta ee mudanayaasha Golaha Shacabka BJFS ayaa u baaqday (Guntan) kooram la’aan ka dib markii kulanka maanta ay soo xaadireen 70-xildhibaan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo xildhibaanada la hadlay ayaa sheegay in kulanka maanta uusan qabsoomi karin maadaamaa xildhibaanada kulanka soo xaadiray aanu dhameyn tiro ahaan Intii loogu talo galay inuu kulanka ku furmo oo ah 139-mudane.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in kulanka ugu soo horeeya ee golaha la qaban doono 12-ka Bishan,wuxuuna ugu baaqay xildhibaanada aan maanta soo xaadirin kulanka dalkana ka maqan ama siyaabo kale uga maqnaa in ay mudadaas kusoo laabtaan marka laga reebo intii maqnaashahoodu uu guddoonku ka war haayo amaba sifooyin sharci ah ku maqan.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in Xukuumadda looga baahanyahay in miisaaniyada ay dhowaan meel mariyeen Golaha wasiirada ay golaha shacabka u soo gudbiso ka hor 12-ka bishan si loogu daro Ajendiyaasha horutabinta u leh Golaha.

