Xasan Shiikh iyo Lafta Gareen oo Booqday Kaamamka ay ku jiraan Dadka ay Abaartu Samaysay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Booqday Kaamamka ay ku jiraan Dadka ay Abaartu Samaysay ee ku nool Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa indhihiisa kusoo arkay xaalada adag ee dadkaasi abaarta kasoo barakacay ku heesato xeryaha kuyaalla Baydhabo, waxa uuna wareestay qaar kamid ah dadka soo barakacay iyo xaalada adag ay xilligan ku sugan yihiin.

Magaalada Baydhabo ayaa kamid ah magaalooyinka martigalisay barakacayaasha ugu badan,waxaana shalay gaaray wafdi ka socda Qaramadda Midoobay, iyo Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here