Faah-faahin:-Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Degmadda Deyniile

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Miino oo barqanimadii maanta ka dhacay Degmadda Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa nooca meelaha fog fog laga hago ayaa haleelay gaari nooca Soomaalida u taqaano Prado oo marayay argada Degmadda Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay 2-ruux,halka seddex kale ay dhaawacyo kasoo gaareen,sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Ciidamada ammaanka degmada Dayniile ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka qaadeen dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxa, waxa ay sidoo kale aagaasi ka sameeyeen baaritaano.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here